Menu:

Chronology of the history of Baardhere:

1: Horudhac

2: Asaaskii Baardheere

3: Sheikh Ibrahim Xasan Yabbarow (1776)

4: Sheikh Cali Dhurre (30 Sanno, 1776 - 1805)

5: Sheikh Abiikar Adan Dhurre (24 Sanno, 1805 -1828)

6: Koritaankii iyo habeynta maamulka Baardhere

7: Sheikh Cabdiramaan Abaayle (7 Sanno, 1828 - 1835)

8: Burburkii Baardhere (20 Sanno, 1835 -1854)

9: Dib-u-asaasidii Baardhere

10: Sheikh Maxamed Adam Keerow (24 Sanno, 1854-1878)

11: Sh. Cabdiraxman Sh. Maxamed Adam (2 Sanno, 1878 -1879)

12: Sheikh Cabdiyow Cusman (25 Sanno, 1879-1904)

13: Baardhere iyo Dawladihii reer Yurub

14: Sheikh Cabdiyow iyo culimadii kale ee Soomalia

15: Sheikh Ibraahim Maxamed Adam (4 Sanno, 1904-1908)

16: Sheikh Cali Macallin Muudey (40 Sanno, 1908 -1940)

17: Fidinta diinta islaamka waqtigii gumeysiga

18: Sheikh Maxamed Yusuf (20 Sanno, 1940 -1959)

19: Dhaqdhaqaaqii gumeysi diidka

20: Sheikh Cabdulcasis Sh. Cali Maallin (8 Sanno, 1960 -1967)

21: Sheikh Mursal Macallin Caliyow (25 Sanno, 1968 -1992)

22: Sheikh Abdullahi Maalin Axmed - Hirow (1993-Waqtigan)

Somali Links:

Buurhakaba
Allpuntland
Allgedo Online
Amiin Arts
African News Online
Arlaadinet
All Ceeldheer
Baidoa.com
Banooda.com
Balcad.com
BBC Somaali
Bakool
Benadir
Baraawe Post
Bartamaha
Bashal.com
Burtinle Online
Bilaajo.com
Calanka.com
Cowslafil.com
Diinsoor
Dayniile
Dooynet
Diilhare
Deeyoo
Dhuusamareeb
Garre Online
Geeska Afrika
Gedonet
Garoweonline
Guurso.com
Hiiraan Online
Hilinkatoosan
Halgan.net
Hamarey
Heegan.net
Hobyonet
HornAfrik Online
Iibka.com
Idamaale
Iftiinka Aqoonta
Irin news
Iqra Somali
Ila qosol
Janaale.com
Jaziro.com
Jowhar.com
Jammaame.com
Kartuun
Kulmis.com
Luuqganane.com
Luuq Net
Laasadaar Net
Middle East Online
Maktabada.com
Marka Caddeey
Midgaan.com
Marka Cadey.Net
Muqdishotimes
Midnimo.com
Morogabey Online
Qaranimo.com
Osman Art
Puntland Experess
PuntlandNewsMedia
Qandala.com
Qaadsiya.com
Qaranka.com
Ruunkinet.com
RTD Djabouti
Saafi Films
Sola Music
South. Som Union
Somali Tube
Shabelle Media N.
Somalian Info
Somali-Gov
Somali Football Fed.
Somali Medical
Somali Conc. Group
Sonorfus
Somalistartpage
Somaalinews
Somalimarket
Somaliwomen Shareero.com
SomaliRoots
Somali Fish
Somali TV Denmark
Somalitalk.com
Somalilife.com
Somali Education
SomaliNet
Somali R.H.Center
Somalitech.com
Somali Water-Env.
Somali Weyn
Somalienews
Somali Law Council
Sosca sports
Somaswis.com
SomaliUK.com
Somali Online
Warshiikh.com
Xidigtacad.com
Ufurow.com
UN-Somlaia

 

 

Horudhac
 

Taariikhda waa tusmada noolasha, cilmiga lagu garto ummadihii hore waxa ay ahaayeen iyo waxa ay soo qabteen. Waxaa noo soo gudbiyey halgan dheerna u soo galey dad qorayaal ah oo kala soo kulmey dhibaatooyin badan. Taariikhdu waxay na bartaa waxyaabihii soo dhacay sida horumarka, dagaalada, ilbaxnimada, akhlaaqda, caadooyinka iyo sababaha ummadaha ugu hormareen amaba dib u dhaca u keeney. Taariikhda waxay kaloo na bartaa culimada waaweyn oo ku xeeldheeraadey diinta iyo culuunta kala duwan sida adabka, siyaasada, fanka iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Somalia waxay, nasiib darro, ka mid noqotey waddamadii la gummeystey. Gumeysiga immanshihiisa ka hor waxaa Somalia meelo badan oo ka mid ah ka jirey nidaamyo iyo ismaamul ay dadka Soomaaliyeed sameysteen raalina ku ahaayeen. Nidaamkii gumeysiga markii uu soo gaarey dalka Soomaaliya wuxuu ugu horeen burburiyey nidaamyadaas jirey, wuxuu qasey miisaankii iyo deganaashihiisi isagoo adeegsanaya "qeybi oo xukun". Wuxuu si aad isugu deyey in uu tirtiro raad taariikheedka dalka Soomaaliya uu lahaa iyo in uu baabi'yo isla markaana duugo meelaha magaca iyo sharafta leh ee dalka iyo dadka Soomaaliya.

Waxaa ayaan darro noqotey iyana in aqoonyahanka Soomaaliyeed qaarkii waqtiyadii xigey lagu barbaariyey falsafadaas, taas oo keentey daneyn la'aan taariikhda Soomaaliyeed waqtigii gumeysiga iyo maamuladii ka dambeeyey. Waxay hal-ku-dhig ka dhigteen wixii uu gumeysiga ka qorey Somalia. Taas aniga la yaab ilama ahan! Sababtoo ah markii uu gumeysiga yimid Somalia, shaqsiga Soomaaliyeed oo muslinka ah wuu iskala weynaa ama ka sariiganaayey in uu la shaqeeyo gaalka. Dhabcan wuxuu shaqaaleystey ama askar ka dhigtey dibjirka ku jirey mujtamaca Soomaaliyeed, dibjirkaas oo diinta iyo waddaninimada ku yareyd. Kaas unbaa oggolaan kara in uu u dhaqmo sida gaalka. Markii gaalada cabbaar joogtey waxaa soo baxay dad shaqaale u ah sida askarta oo u siciya ummadda iyo kuwo shibil ah oo u adeega. Marka aan soo gaabiyo, dadkaas oo aan aqoonin hab aan ahayn kan gaalka gumeystaha ayaa noqdey dawladii Somalia. Waayo markii ay imanayeen waxay xukunka ka boobeen culumada, markii ay baxayeen xukunkii looma celin ee waxaa looga tegey karaanigii, tarjumihii, adeegihii, askarigii iwm.
Dalka Somalia wuxuu leedahay taariikh dhaxal gal ah, halgamaayaal fara badan oo dunida caan ku ah islamarkaana u soo hurey naf, maskax iyo maal dhisida iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa loo baahanyahay taariikhdaas na bareysa garashada noloshii hore ee dalka iyo dadka Soomaliyeed in la darso. Noolasha qofka waa mid aad u gaaban marka loo fiiriyo taxanaha noolasha aadamiga ay soo martey sida bilowga miro aruursigii, ugaarsatadii, dhulgoosigii iyo degaanka beraleyda iyo warshadeyntii si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Taariikhda magaalada Baardhere waa qeyb muhim ah ee taariikhda aan soo xusney ee Soomaliya. Taariikhahaas waaweyn haddii la ururin lahaa si qoraal taxane ah, waxay aad wax ooga tari lahayd kordhinta garaadka ummmada. Qormadan oo ku saabsan taariikhda Baardhere, beled iyo jameeco ahaanba, waxaan ka arkeyna in ay lehayd xukuumad iyo nidaam suurta geliyey in horumar la gaaro muddo dheer ka hor inta uusan imaan gumeysiga dhulkeena. Taas oo iyana na tuseysa in ummadda Soomaaliyeed ay lahayd nidaam ismaamul oo xor ah oo ay dadka ka qeybqaataan.

Magaalada Baardhere waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu faca weyn ee ka sameysmey gudaha dhulka Somalia meel ka fog xeebta koonfureed isla markaana lahaa maamul xor ah oo iyada u gooni ah. Waxay ka tirsaneyd gobolkii loo yaqiiney Jubbada sare intii ay jireen maamulkii gumeysiga iyo dawladii rayidka ee ka dambeysey. Waxay ka mid noqotey gobolkii jubada dhexe muddo gaaban, markii xukuumadii militeriga abuurtey gobolo hor leh. Ka dib gobolka Gedo oo isbixin waayey dhaqaale ahaan ayaa lagu kabey. Halkaas ayeyna ka tirsanayd ilaa maamulki militeriga ka burburey.

Juqraafi ahaan Baardhere waxay ku taala inta u dhexeysa 2-3° woqooyi dhulbaraha (lool) iyo 42-43° (Dhigaha). Waxay u jirta xeebta Barawe qiyaas dhan 250 km. Cimiladeeda waa mid aad u kulul, taas oo u sahlineysa in saanadka oo idil beeraha laga faaideysankaro marka la istimaalayo waraabka beeraha. Nasiib darro biyaha oo dhulka ka hooseeya awgeed waxaa adag soo saarka biyaha waraabka beeraha marka aan la isticmaleynin matoorka biyaha. Baardhere waxay aad ugu hormarsantahay tacabka beeraha noocyadiisa kala duwan. Beeraha roobka oo laga soo saaro dalagyada intooda badan waa lafdhabarka dhaqaalaha. Waxay si gaar ah ugu caanbaxdey sannadihii dambe basasha iyo tubaakada oo loo iibgeyo gudaha iyo dibedda Somalia.

Magaalada aasaaskeed wuxuu ahaa baar weyn oo ku yaaley weyn. Magaca Baardhere wuxuu ka soo jeedaa laba erey oo kala ah baar iyo dheer. Baar waa geed inta badan ka baxa webiyada hareerahooda (magaca laatiinka waa Hyphaene). Baar wuxuu leeyahay manaafacaad badan. Wuxuu dhalaa miro loo yaqaano "qoono". Qoonada waxay ka koobantahay laf hoose, duf dhexe iyo xuub kore. Marka ay cayriinka tahay waa cagaar, marka ay bislaatana waxay leedahay midab dhiiga. Qoonada xuubkeeda kore iyo dufka dhexe waa la cunnaa. Waxay leedahay dhadhamo kala duwan sida macaan, qaraar, dhadhanlaaw; waxayna ku xirantahay nooca geedka iyo inta geedka webiga u jiro. Lafta hoose (sedka) ku jira waxaa lagu xardhaa xoolaha. Geedka baarka wuxuu bixiyaa laamo iyo caleemo. waxaana lagu dhistaa guryaha. Caleenta dusha ayaa laga saara, xajmigana baarkana waxaa laga dhigtaa tiir. Isticmaalka baarka waxaa ka mid ahaa in loo isticmaalo gaadiid ahaan. Tiirarka baarka oo dhowr ah ayaa inta la isku xiro loo isticmaali jirey in lagaga gudbo webiga ama lagu rarto alaabta sida doonta, gaar ahaan dhista guryaha iwm, waxaana loo yaqaaney Sablo.

Geedka baarka xajmigiisa iyo faracyadiisa marka la xoqo waxaa ka soo baxa dheecaan u eg midabka caanaha oo dhadhankooda macyahay marka ay cusubyihiin. Caanaha baarka waxaa loo yaqaana shalabow, waxayna socodsiiyaan sida la sheego caloosha haddii la cabo marka ay macyihiin. Marka caanahaas meel la dhigo in muddo ah dhadhankooda wuu isbedela, waana lagu sakhraama sida khamrada oo kale. Bilowgii lixdanaadkii waxaa fidey ku xadgudub iyo isticmaal Â

Asaaskii Baardheere