DHAGEYSO XUSHMO RADIO: Dood xaasaasi ah oo ku saabsan xukun qeybsiga soomaliya ee 4,5
Doodaan waxay salka ku heysaa soo jeedintii shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka socda Muqdisho oo soo jeediyey in la bedelo magaca beelaha shanaad: Ma daacadbaa mise waa dhagar? Dhegeyso si aad u ogaatid! 04 Aug.2007-GMT.19:00

Baraawe: Dhuxuloow iyo Dhuxusha Baraawe. Magaalada Baraawe oo uu ku sugan yahay Guddoomiyaha sharciga ee dhowaan loo magacaabey maamulka degmada ayaa weli wuxuu awood u helin inuu maamulo degmada Baraawe, waxaana is hortaagey ninkii horey halkaas u haystey ee Cabdullaahi Xalane Dhuxuloow, waxaa magaalaa Baraawe weli ku qulqulaya dhuxusha laga dhoofin jirey halkaas 04.August.2007-GMT.01:00
Gobolka Shabeellada Hoose: Ammaandarro, Dacwooyin iyo Jahwareer. Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Guutada Sagaalaad ee ka howlgasha Gobolka Shabeeelada Hoose ayaa ka warbixiyey amandarida ka jirta Gobolka, wuxuuna sheegey inay qas iyo jahwareer abuuraan ciidamada iyo kooxo siyaasiyiin ah oo gacan ku siiyey inay sameeyaan falal ka dhan ah ammaanka Gobolka.
2 August, 2007-GMT.22:00
Weerar Hoobiyeyaal ah oo xalay saqdii dhexe lagu qaaday Fariisimaha Ciidamada Dowladda Federaalka. 1 August, 2007-GMT.20:00
Xuseen Ceydiid "Waxaan ahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, waxaana uga Go'ay Dowladda markii aan arkay Musuq maasuqa ay ku kacday". 1 August, 2007-GMT.20:00
Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo saaka Muqdisho ku soo jeeda, xilli shalay Maxamed Dheere uu si kulul u weeraray Siyaasada UN-ka 1 August, 2007-GMT.20:00
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo loogu baaqay inuu soo fara geliyo Khilaafka Xoogan ee ka dhaxeeya Xukuumada iyo Baarlamaanka". 1 August, 2007-GMT.20:00

Shirweyne isugu yimaadeen Jaaliyada Dighil iyo Mirifle ee waddanka Holland Ururka Jaaliyada Digil iyo Mirifle oo ka dhisan Holland ayaa shirweyne isugu yimid, kaasoo looga hadlayey ugaarsiga aqoonyahanada iyo siyaasiinta ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle. 29.July.2007-GMT.21:00

Xuseen Ceydiid "Waxaa jiray qorshe aan aheyn kii ay Dalka ku soo gashay Ethiopia oo ay ka gadaal kala timid Bishii April". 25.July.2007-GMT.21:00
Weeraro Bambaano oo xalay lagu qaaday Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Degmooyinka Dharkeenley iyo Huriwaail". 25.July.2007-GMT.21:00
Xildhibaanada Baarlamaanka oo saaka ka doodaya Mooshin ku saabsan La xisaabtanka Xukuumada (Ra'iisul Wasaraaha oo la filayo inuu kulankaas ka soo qeyb galo) 25.July.2007-GMT.21:00
Prof. Geeddi oo sheegay dib u dhaca sii dheeraanaya ee Ciidamada AMISOM ay sii kordhineyso joogitaanka ciidamada Ethiopia.il". 25.July.2007-GMT.21:00
Qaar ka mid ah Ergooyinka Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Soomaalida oo Hoteladii ay deganaayeen laga saaray Qaar ka tirsan ergooyinkii ka qeybgalayey shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka socday Muqdisho ayaa laga saaray hoteeladii ay deganaayeen kuwaasoo ka hadlay sababta looga bixiyay hoteelada. 24.July.2007-GMT.21:00

Saan-Saan Colaadeed oo Ka Taagan Degmada Baraawe-Dowladda iyo Maamulka Gobolka oo Arinta Baraawe ku Fashilmey. Ka dib markii maleeshiyada Dhuxuloow ay xasuuqeen dad ka soo jeeda Beelaha dega Degmada Baraawe islamarkaasna aan tallaabo ku habboon aysan ka qaadin Maamulka Gobolka iyo kan Xukuumadda Kumeelgaarka ayaa abuurtey in jawi colaadeed oo aad u xooggan uu ka soo ifbaxo deegaanka Baraawe iyo dhulka ku xeeran. 23.July.2007-GMT.21:30

Shir ay yeesheen jaaliyada Digil iyo Mirifle iyo walaalahooda la deegaanka ah. Shir ay yeesheen jaaliyada Digil iyo Mirifle iyo walaalahooda la deegaanka ah. Waxaa salaadii jimcaha kadib shir ugu furmey magaalada Jeddah ee dalka sacudi Arabia jaaliyada D&M iyo walaalohooda la deegaanka ah kuwasoo ka mid ahaa sheeqaal gandarshe, jareerweene, sabeele, shiidle, reerxamar, biimaal iyo qabaa'ilo kale. 22.July.2007-GMT.19:30
Ra'iisul Wasaare Geeddi "Marka uu soo gaba gaboobo shirkan, kulan kale la sameyn doono oo looga hadlayo Siyaasada Dalka". Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in marka uu soo gaba gaboobo shirka dib u heshiisiinta qaran loo gudbi doono shir kale oo looga hadlayo siyaasada. 20-July-2007-2007-22:00 Ilaa shan ruux oo ay ku jirto Haweeney oo xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho. Ku dhowaad 5 ruux ayaa habeenimadii xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo Meydkooda saaka lagu arkay goobo kala duwan. 20-July-2007-2007-GMT.22:00
Maamulka Gobolka Banaadir oo ku eedeeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay mas'uul ka yihiin rabshadaha ka taagan suuqaas. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay ka mas'uul yihiin rabshadaha ka taagan Suuqa Bakaaraha. 20.July.2007-GMT.22:00
Tacsi: Inaa lillaahi Wa Inaa Ileyhu Raajicuun. Anagoo ah Jaalliyada reer Baardhere ee ku nool qurbaha, waxaan halkan tacsi murugo leh uga direynaa dhamaan caruurtii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Xaaji Cabdimaliik Cabdalla oo dhowaan xijaabtay. 19.July.2007-GMT.22:00
Suuqa Bakaaraha oo qarka u saaran in gebi ahaanba laga guuro iyo Ganacsato qaar oo bilaabay in ay hantidooda kala baxaan. Suuqa weyn ee Bakaaraha oo rabshadihii ugu xooganaa wali ka taagan yihiin ayaa qarka u saaran in gebi ahaanba la isaga guuro. 17.July.2007-GMT.22:00
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyed oo sheegay inuu sii soconayo Howl galada Suuqa Bakaaraha. 17.July.2007-GMT.22:00
Prof Geeddi oo sheegay inuusan waxba kala socon heshiis dhex maray shirkado shidaalka baara iyo Dowladiisa. 17.July.2007-GMT.22:00
Khilaaf xoogan ayaa u dhaxeeyay Maamulada Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo ku aadan gacan ku heynta Deegaanka Iji.. 17.July.2007-GMT.22:00

Shirkii Dib u Heshiisiinta Qaran oo si rasmi ah ugu furmay Xarunta Gaadiidka Booliska (Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay). . Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga furmay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida, kaasoo labo jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid. 15.July.2007-GMT.22:00
Maamulada Degmooyinka Qoryooleey iyo K/wareey oo Gaarey Fariisinkooda. Ka dib markii maalinimada dorraad la diyaarshey ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa waxay maamulada Degmooyinka Qoryooley iyo Kurtunwaareey si nabad ah ku gaareen deegaankooda iyadoo aysan jirin wax iska horimaad ah oo ka dhacey halkaas. 15.July.2007-GMT.19:20

Jaaliyada D&M oo soo dhaweyn u sameysey wufuud sare oo dowlada ka tirsan kana soojeeda D&M. Waxaa maanta lagu qabtey magaalada jiddah ee boqortooyada sacuudiga xaflad aad loo soo agaasimey taasoo lagu soo dhaweynaayey wufuud sare oo isugu jira wasiir wasiir kuxigeen iyo danjirayaal katirsan dowlada kumeelgaarka kana soo jeeda beelaha digil iyo mirifle. 14.July.2007-GMT.14:00

Gobolka Shabeellada Hoose: Abaabul Dagaal oo ka Socda Gobolka. Haraadiga maamulkii hore ee Indhacadde oo haatanna ku jira maamulka cusub ee dhowaan loo magacaabey Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxay weli ka soo horjeedaan maamulkaas. 13.July.2007-GMT.22:00

Maxamed Dheere "Waxaan ognahay in Hoobiyeyaashii xalay laga soo tuuray Suuqa Bakaaraha, tallaabo deg deg ayaan ka qaadeynaa" Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa ka hadlay Madaafiicdii Hoobiyeyaasha ahaa ee xalay lagu weeraray Madaxtooyada iyo meelo kale. 12.July.2007-GMT.23:00

Khilaafaadka Dhaliyey Dhimashada iyo Dhaawaca ee Magaalada Marka oo la Xalliyey: Iska hor-imaadkii shaley iyo saaka ka dhacey Gobolka Shabeellada Hoose. 11.July.2007-GMT.23:00

Celebration of Somali Independence Day, 1st July In Melbourne, Australia- Somali Ethnic Communities Council and united Somali organisations are commemorated a festival of Somali National Day which will take place on Saturday, 7th July 2007 at Preston Town Hall 08.July.2007-GMT.10:00

Qaraxyo Xoogan oo xalay gil gilay Magaalada Muqdisho, xilli Bandow
uu saarnaa Magaalada









