Waxaa maanta ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway kulan aad loo soo agaasimay oo ku saabsanaa furitaanka website-ka cusub ee baardhere.com.

Oslo, 23-June-2007@[Baardhere.com]

Kulankaas oo ay isugu yimaadeen wakiilada Jameecada baardhere ee Scandinavian-ka halkaas oo loga hadley ajendiyaal fara badan oo ay ka mid ahaayeen arrinta furitaanka shabakadan cusub iyo xaaladda guud ee cusub ee baardhere iyo Soomaliya.

Marti sharaftii halkaas isugu timid oo ay meesha ka soo jeeddiyeen mahadnaq dadkii isku xilqaamay hawshan muhiinka ah oo wax ka tari doonta wacyi gelinta iyo soo shaac bixinta codka shacbiga iyo jameecada baardhere oo waayadii dambe aan laga maqlin warbaahinta codkooda xaqqa ah.

Marti sharaftii halkaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Dr Omar Abdulkadir Sheikh oo halkaas ka soo jeediyey taariikhdii magaalada baardhere tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1776 iyo xilliyadii kala duwanaa oo ay soo martey: Gumeysigii ka hor, waqtiyaddii gumeysiga, waqtigii xoriyadda, xilligii militeriga iyo xilligii jahawareeka iyo boobka.

Dr Cumar oo ka soo jeeda baardhere, ahna aqoonyahan ku xeeldheer dadka iyo degaanka baardhere ayaa caddeyey in website-kan uu ka shaqeyn doono sidii loo maqli lahaa codka jameecada baardhere oo kulansan, isla markaana loo horumarin lahaa bulshada ku dhaqan degaanka baardhere.

Waxaa isna halkaas ka hadley Mudane Abdulaziz Dahir Shabeel, ahana aqoonyahan ka soo jeeda baardhere aadna loogu yaqaano degmada oo xusay in jameecada baardhere ahayd maamulkii ugu horeeyey ee laga sameeyey gudaha Soomalia imaanshaha gumeysiga ka hor oo shaqeynaaya ilaa maanta.

Mudane Abdulaziz wuxuu intaa raaciyey in Jameecada baardhere hooy u ahayd qoomiyaddaha Soomaaliyeed ee degaankaas, oo dadka oo dhan u sinaayeen isla markaana ka amar qaadanaayeen Ulul-Amraha iyo hoggaanka lixda firqo ee jameecada, taas oo illaa maanta ah midda keliya dadka ay kalsooni ku qabaan, xaqana ah.

Waxaa kaloo halkaas ka hadley Mudane Abdi Luqman oo ah odey ka mid cuqaasha aadka loo yaqaano ee degmada baardhere. Wuxuuna faallo ka bixiyey degaanka iyo khayraadka baardhere, taas oo ay ka koobnaayeen tacabka kheyraadka beeraaha oo u badnaa dhainaca bari webiga iyo dhaqashada xoolaha oo u badnaa dhinaca galbeed ee webiga.

Ugu dambeystiina, waxaa halkaas mahad loogu soo jeediyey agaasimaha Buurhakaba media, Mudane Mohamed Ali Maamow oo ruuxiisa ka soo jeeda jameecada, kaalinta weyn uu ka geysatey abaabulka munaasabadan furitaanka shabakada baardhere.com.

Bashir Mohamed
Webmaster@baardhere.com

www.Baardhere.com