Where is Bardere located?
Juqraafi ahaan Baardhere waxay ku taala inta u dhexeysa 2-3° woqooyi dhulbaraha (lool) iyo 42-43° (Dhigaha). Waxay u jirta xeebta Barawe qiyaas dhan 250 km. Cimiladeeda waa mid aad u kulul, taas oo u sahlineysa in saanadka oo idil beeraha laga faaideysankaro marka la istimaalayo waraabka beeraha. Nasiib darro biyaha oo dhulka ka hooseeya awgeed waxaa adag soo saarka biyaha waraabka beeraha marka aan la isticmaleynin matoorka biyaha. Baardhere waxay aad ugu hormarsantahay tacabka beeraha noocyadiisa kala duwan. Beeraha roobka oo laga soo saaro dalagyada intooda badan waa lafdhabarka dhaqaalaha. Waxay si gaar ah ugu caanbaxdey sannadihii dambe basasha iyo tubaakada oo loo iibgeyo gudaha iyo dibedda Somalia.
